DEG-DEG : Koox hubaysan oo Muqdisho ku dilay Wasiir ka tirsan Galmudug.

DEG-DEG : Koox hubaysan oo Muqdisho ku dilay Wasiir ka tirsan Galmudug.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiiru Dowlahii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug Farxiya Cabdi Waasuge ayaa caawa kooxa hubeysan ku dileen Muqdisho.

Kooxda dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday sida RBC ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada wartanabadda ah oo ah halka dilka uu ka dhacay caawa.

Askar ka tirsan Dowladda oo goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ayaa sameeyay howlgal kooban , hase ahaatee ma jirin cid ay u soo qabteen.

Laamaha ammaanka Dowladda wali ma aysan bixin wax faah faahin ah oo ku saabsan dilka Marxuumad  Farxiyo Cabdi oo ahayd Wasiiru dowlaha  gadiidka iyo duuliska hawada maamulka Galmudug.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan falal amni darro oo saamayn ku yeelatay dadka ku nool magaalada Muqdisho , inkastoo dowladda ay wado dadaal ay kaga hortagayso kooxaha falalka amni darro gaysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.