Miyaa la mari karaa wadada isku xirta Muqdisho & Jalalaqsi ?

Miyaa la mari karaa wadada isku xirta Muqdisho & Jalalaqsi ?

Jalalaqsi (Raxanreeb ) Ciidamo aad u – fara badan oo ka baxay magaalada Muqdisho iyaga oo  wata gadiidka dagaalka ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidankan oo ay abaabuleen xildhibaano ka tirsan Barlamaanka ayaa lagu sheegay in ujeedka ay halkaas ay u gaareen ay tahay in ay ka qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee  Hiiraan ka socda.

Waxa lagu waramayaa in  Ciidankan ay saldhigan doonaan galbeedka Gobolka Hiiraan , halkaas oo waayadanba ka socon dhaq dhaqaaq ciidan oo ku aadan howlgalada ka socda deegaanada kale ee Hiiraan.

‘’Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Macaawisleeyda deegaanka ee horey isugu abaabulay Buulaburte iyo Jallaqsi in ay soo dhaweeyaan dhalinyarada walaalahood ah oo ay iska kaashaadaan xorreynta deegaanadooda ‘’ sidaas waxaa sheegay xildhibaan Maxamed Ibraahim Maclimuu.

Ciidankan ayaa la filayaa in ay ku biiraan   ciidamo kale oo ka bixi doona magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan ilo xog- ogaal ah oo la socda dhaq dhaqaaqa ciidan  ee Hiiraan kuwaas oo mari doona wadada isku xirta Muqdisho iyo Jalalaqsi.

‘’Waxaan sidoo kale rajeynayaa abaabulka raaca labaad ee baabuurta dagaalka oo meel wanaagsan maraya in ay iyaguna dhawaan hadii Eebe idmmo ay tagi doonaan deegaanada ‘’ ayuu markale sheegay xildhibaan Macallimuu oo ka mid mudanayaasha laga soo doorto Hiiraan.

Si kastaba waxaa waaydan dambe hakad uu ku yimid howlgaladii dadka deegaanka iyo kuwa ciidanka waxaana jiray ,warar la xiriira in galbeedka Hiiraan aysanba ka jiran qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Al- Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.