Dowladda maxay ku aragtay waddooyinka Muqdisho oo ciidan lagu daadiyay ?

Dowladda maxay ku aragtay waddooyinka Muqdisho oo ciidan lagu daadiyay ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay sameeyay howlgalo ka duwan kuwii hore ka dib markii  kooxda Al- Shabaab dhawr hoobiyaal ay ku garaaceen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa gaaf – wareegayay ciidamo  fara badan oo isugu  jir boolis iyo Nabad sugid kuwaas oo ka feejignaan weerar ka dhaca magaalada.

Inta badan xalay waxaa laga wada xarooday , meelo ka mid ah magaalada sabab la xiriirta hoobiyaal dhawr ah oo lagu garaacay Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda.

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadlin howlgaladan  cuslaa ee ciidanka ay ka sameeyeen waddoyinka Muqdisho  iyo hoobiyaasha lagu garaacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay weeraro kooxda Al – Shabaab ay ka gaystaan magaalada Muqdisho , isla markaana ay kordhin doonto bisha howlgalada ka dhanka ah kooxda.

Waxa ay laamaha amniga Dowladda Soomaaliya wali ay xakamayn la’ yihiin amniga caasimadda , oo ay ku soo noq noqdeen weerarada iyo dilalka loo gaysanayo dadka rayidka ah.

Inta badan Al-Shabaab waxay kordhiyaan weerarradooda markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado oo umadaha Islaamka ah ay aad u jecelyihiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.