Washington maku soo celin karta Soomaaliya askarta ku sugan Eritrea ?

Washington (Raxanreeb ) Isagoo ka hadlayay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Machad ku yaala Washington oo uu booqasho ku jooga ayuu sheegay in Dowladda Mareynkan uu ka codsanayo inuu gacan ka gaysto soo celinta askarta Dowladda ee lagu tababaaray Eritrea.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Dowladda Eritrea gacan wayn ay ka gaystay sidii ciidankaas ay u – heli lahayeen tababar wanaagsan si buu yiri gacan ay ugu gaystaan jabinta Al- Shabaab.

”Madaxwaynaha Eritrea ayaa kol hor diiday in ciidankaas dib loogu soo celiyo gudaha dalka Soomaaliya cabsi laga qabay in loo adeegsado siyaasadaha is diidaan ee dalka markaas ka jiray ” ayu yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaas ku sugan Eritrea ay yihiin awood jirto oo loo baahan yahay in loo isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

” Dowladda Soomaaliyeed ayaa hadda dadaal ugu jirta sidii ciidankaas loogu soo celin lahaa dalkooda ” ayuu warkiisa raacayay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladaha Mareynka iyo Eritrea ayaa ayaan ka dhaxayn xiriir wanaagsan waxaana Eritrea ay ka mid tahay dalalka Mareykanka uu ku soo rogay xayiraada dhaqaalaha , sabab la xiriita xad gudub ka dhan ah Bani’adanimada.

Maadama uusan wanaagsanay xiriirka labada dal ayaa dad badan waxa ay is waydiinayaan in Washington dalka ku soo celin karto ciidankaas Soomaaliyeed ee Madaxwaynahooda ka codsanayon in dalkooda loo soo celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.