Hargaysa (Raxanreeb ) Somaliland , waxaa ka taagan xaalad hubinti la’aan ah oo ka dhalatay in si daah furan ay u dhacdo doorashada isla markaana madaxwaynaha maamulkaas ogolaado in xukunka si nabad ah uu ku wareejiyo.
Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo doorashada Somaliland , taas oo keentay in hanjabaadyo hawada loo marayo Xukuumadda hadda jirta ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Boqor Buur madow oo ka mid ah madax dhaqameedyada Somaliland ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xukunka uu isku sii dhejiyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
”Ma jirto waqti kale oo doorashada lagu darayo , haddii la gaaro November oo la qaban waayo doorashada waynu dagaalamaynaa anigaa bixinaya lacagta mushaarka ciidanka dagaalamaya ” ayuu yiri Boqor Buur madoow.
Intaas waxaa uu warkiisa ku daray Boqor Buur Madow in ay isa soo tarayaan dhibaatada Muuse Biixi Cabdi uu ka – gaysanayo Somaliland .
” Waxa jirta dad badan oo u dhibaateeyay Muuse Biixi hadda ka dib ma ah wax la ogolaan karo dhibaatadaaas ” ayuu markale yiri Boqor Buur madoow.
Deegaano badan oo Somaliland waxaa aad looga hadal hayaa doorashada Somaliland , taas oo sababtay in magaalooyinka qaar ay ka dhacaann dibadbaxyo rashado wata kuwaas oo loogu soo horjeedo xukun isku dhejinta Muuse Biixi Cabdi.
Leave a Reply