Haweeney 97 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahayd dilka in ka badan 10,000 intii uu socday xasuuqii Holocaust.
Month: December 2022
Guddi ku taliyey in dacwad afar dambi ah lagu soo oogo Trump
Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Dowladda oo boqolaal dhalinyaro ah u diraysa dalka Eriteria .
Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar lagu kalsoonyahay ayàa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay tababar ciidan u direyso kumanaan dhalinyara ah oo maanta lagu xareeyay gudaha garoonka Aadan Cadde. Wararka ayaa sheegaya in ciidankii tababarka ujiray dalka Eriteria dhawaan laga soo dejin doono garoonka Aadan Cadde. Sida ay ii xaqiijiyeen Ilo wareedyo ka tirsan DFS dhalinayaradan...
Waddooyin ka mid ah Muqdisho oo xiran & sababta ka danbeysa.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Waxaa xiran wadada laamiga ah ee xariirisay isgoosyo badan oo muhiim ah, sida laga soo bilaabo agaagrka wasaaradda Gaashaanshiga, Tarabuunka,Km4 ilaa Dekadda. Waxaa aad u adag isku socodka wadooyinka iyada oo ay xanibanyihiin gaadiidka dadweynaha iyo isku socodka. Inta badan waddooyinka ayaa ah mid cariiri ah oo ay adag tahay in...
Xildhibaan Axmed Taajir “Qalqal amni ayaan ku galay Muqdisho saxna ma ahan”
Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa wali magaalada Muqdisho ku wajahaya xaalad ami , taas oo ilaa iyo hadda aan waxba laga qaban. Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka oo maanta oo Talaada ah saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho ku dareemayo culays amni sida uu yiri. ”Qalqal...
Dowladda ma waddooyinka Muqdisho ayay ciidamo ka qoronaysaa ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya gawaari ciidan oo ay leedahay ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ka wada Olole dhallinyarada ay uga qorayaan ciidanimo. Gawaaridan oo ah kuwa ciidan ayaa la arkayay iyaga oo ku wargalinaya dhallinyarada ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab. Siyaabo kala duwan ayay uga hadlayaan dadka magaalada Muqdisho...
Xasan Sheekh oo sheegay xilliga la keenayo ciidamada jira Eritrea
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka Bisha January ee sanadka 2023-ka.
Maanta oo ku beegan sannad guurada 79-aad ee Booliska Soomaaliya
20-ka December sanad waliba maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa xuska maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan maanta 79 sano guurada ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.
Ilhan Cumar oo kusoo wajahan Soomaaliya
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Maxay tahay ciidamada cusub ee Itoobiyaanka lagu wareejiyay amniga garoonka
Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow Soomaaliya ee gobolka Gedo.

