Baydhabo ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed. Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee...
Day: January 17, 2023
Diyaarado ku sigtay inay isku dhacaan dalka Mareykanka
Saraakiisha Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan, kadib markii labo diyaaradood oo rakaab ka buuxan, ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan garoonka diyaaradaha magaalada New York todobaadkii hore.
Taliyaha sirdoonka Turkiga oo wadahadallo la yeeshay madaxda Suudaan
Taliyaha sirdoonka dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda militeriga ee Suudaan, waxay ka wadahadleen in la is-weedaarsado xogta sirdoonka iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.
Taliye Odawaa oo shaaciyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Xawaadley
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 km u jira degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
AAW ”Igu sawirta farumaha dagaalka ka socoto waxay goboodfal ku tahay halyeeyada runta ah”
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda – meelo badan oo dalka ah. Hase ahaatee waxa uu si layaab leh uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sawirada harqiyay...
WARBIXIN : Muhiimadda Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer ,Galcad & ay u leeyihiin DFS.
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 sanno ka dib gacanta kooxda Al- Shabaab ka saartay degmooyin iyo deegaano dhaca gobolada Mudug , galgaduud kuwaas oo ah magaalooyinka istaraateji ah marka la barbardhigo deeganadii kale ee hore Dowladda uga saartay Al- Shabaab. Degmooyinka Xarardheere, Galgacad , Ceeldheer ayaa ka mid ah meelaha muhiimka ah...
Shaqaallaha Wasaaradaha Dowladda oo loo fasaxay cabsi amni.
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah waxaa la fasaxay inta shaqaallaha Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ka dib markii ay soo baxeen cabsi ku saabsan dhanka amniga. Ilo- xog ogaal ah oo ku sugan Wasaaradda amniga ayaa RBC u sheegay in shaqaallaha wasaaradda lagu amaray in guryahooda ku laabtaan kuwa soo xaadirina loo sheegay in...
Aqalka Cad iyo Waraaqaha sirta ah ee laga helay guriga Biden: ‘Ma hayno diiwaanka guriga Biden ee Delaware’
Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd.
Dowladda ‘’ Si rasmi ayaa loola wareegay Ceeldheer ‘’
Ceeldheer (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaarayo degmada Ceeldheer ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ururka Al-shabaab. Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah ayaa xalay ku hoyday duleedka degmada Ceeldheer, ciidanka ayaana saakay gudaha u galay....
Shirka Dib u Heshiisnta KGS oo Baydhabo ka furmay & shirar siyaasadeed oo halkaas ka socda.
Baydhabo ( Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah waxa magaalada – Baydhabo ee gobolka Baay , ka furmaya shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed , kaas oo ay isku arki doonaan masuuliyiinta maamulka hadda jira iyo xubnaha mucaaradka. Shirkan waxaa ka qayb- galaya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Baydhabo...