Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali u xusul- duubaysa wax ka qabashada amniga caasimadda oo ay ka dhaceen qaraxyo khasaare gaystay. Afatii bil ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin ay ku xirayso waddooyinka muhiim ah ee magaalada Muqdisho , sabab la xiriirta sidii ay...
Month: February 2023
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Jubbada Hoose
Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.
MD Xasan Sheekh‘’ Taliyaaniga hanaga gacan siiyo dagaalka Al- Shabaab‘’
Rome(Raxanreeb )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome. Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka...
Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland
Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay hadalkii wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee ahaa in ciidmada Somaliland ay la dagaalamayaan 'aragaxiso, iyo maliishiyaad ku xiran Alshabaab' waa sida uu hadalka u dhigaye xilli uu waraysi gaar ah siiyey BBC-da qaybteeda focus on Africa, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ee Somalimemo.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo diray shay duulaya oo soo galay hawada Mareykanka
Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-22 ayaa Jimcihii gobolka Alaska kusoo riday shay aan la garanayn oo meel sare ku duulayay, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, wax ka yar toddobaad kadib markii ay ciidamadu soo rideen buufin uu leeyahay Shiinuhu oo soo gashay hawada Maraykanka.
Khasaaraha ka dhashay weeraro qarxya ah oo ka dhacay Sh. Hoose
Marka (Raxanreeb ) kooxda Al- Shabaab ayaa weerar toos ah oo ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen saldhig ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen , degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolk Shabeellaha Hoose halkaas oo aroortii...
Danjire Caalim” MD Xasan Sheekh ,isagaa Villa- Somalia isaga saari doono”
Helsinki(Raxanreeb)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgiisa marka uu xafiiska la wareegay ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hormuudka ka yihiin dadka shacabka si ay isaga dulqaadaan culayska argagaxisada taas oo loo arkayay fursad wanaagsan oo la helay. Tan ayaa sabab u ah markii si indho la’ aan ah xilalka...
Faysal Cali Waraabe ” Muuse Biixi haku dhawaaqo xabad joojin deg deg ah “
Hargaysa ( Raxanreeb ) Waxaa wali sii socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha kacdoonka ee diidan in ay hoostagaan Soomaaliland , iyadoo aysan jirin wax waan waan ah oo socota ilaa iyo hadda isla markaana dhaqan gal noqday. Xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim ay tahay in maamulka Muuse...
Amniga Boosaso oo laga shiray & nuxurka qodobad -AKHRISO-
Boosaaso (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari. Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada. Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobadan: –...
Washington” Lama ogolaan karo waxa ka sii socda Laascanood “
Washington ( Raxanreeb ) Dowladda Maraykanka ayaa war uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo maalintii shanaad dagaal uu ka soconayo. Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka war ka soo baxay ayaa lagu canaantay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascanood waxaana loogu...

