Kharashka lagu haynayo iyo masaafurinta dadka sharci darada ku imaanaya UK doomaha yar yar ee hoos imanaya sharciga cusub ee la qorsheeyay ayaa noqon kara lacag dhan £6bn labada sano ee soo socota. Sida ay saadaasha dawladda UK saadlisay.
Month: June 2023
Tirada dadka ilaa hadda ka baxay Ruushka
Dad u dhashay dalka Ruushka oo gaaraya boqolaal kun ayaa la asheegay in ay dalkooda isaga tageen tan iyo markii uu bilowday duulaanka ballaaran ee lagu qaaday dalka Ukraine.
Museveni oo shaaciyay XOG cusub oo ku saabsan weerarkii Buulamareer
Kampala (Raxanreeb) Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya. Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku sheegay illaa 54 askari. Sidoo...
Biden ma saamayn doontaa tartankiisa 2024 da’diisa & kufidiisa badan
NEWYORK (Raxanreeb ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kufay oo dhacay ka dib markii uu bixiyey shahaadada ugu dambeysay ee xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday Akadeemiyada Ciidanka Cirka ee Mareykanka. Biden oo 80 jir ah ayaa si degdeg ah u kacay isagoo adeegsanaya hal jilib isagoo ay caawinayeen saddex qof, wuxuuna dib ugu...
KENYA ‘’lacag badan ayaa nooga baxday dagaalka Al-Shabaab ‘’
Nairobi (Raxanreeb ) Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kadib War rasmi ah oo ka soo baxay maanta. Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo maamullada gobollada waqooyiga ee dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hortagaayo weerarrada argagixiso...
Khasaare xooggan oo uu gaystay dagaal beeleed ka dhacay Mudug
Gaalkacyo (Raxanreeb ) Laba maleeshiyo beeleed ayaa dagaal uu ku dhaxmaray deegaano ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha dalka. Waxa la sheegay in dagaal beeleedkan uu gaystay , khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka. Labada beelood ayaa ku dagaallamay dhulka ku magac dheer Golol gaar ahaanna miyiga u dhexeeya...
Xasan Sheekh & Erdogan oo wada- hadal gaar ah yeeshay
Ankara (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay...
Natiijada doorashada Golaha Deegaanka Puntland oo la shaaciyay
Garowe (Raxanreeb )Guddiga doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay natiijada doorashada Golaha deegaanka ee ay ku tartamayeen xisbiyada ee la qabtay 24-kii Bishii May. Natiijada la soo bandhigay ayaa muujinaysa inuu ku horeeyo doorashada xisbiga Kaah oo helay 286 kursi oo u dhiganta 37 % waxa kaalinta labaad galay xisbi siyaasdadeedka Mideeyo kaas oo...
Golaha Shacabka : Fadeexo Dowladda Xasan kala kulantay muddo kororsiga
Muqdisho (Raxanreeb ) Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo xildhibaanada golaha shacabka uga doodayaan wax ka badal lagu sameynayo daatuurka dalka. Xildhibaanada ayaa si weyn uga hadlay mooshinkan oo soo billowday bishii Febraayo sanadkan, kaas oo loo xil-saaray guddi uu horkacayo xildhibaan Mahadi Guuleed. Qaar kamid ah...
Sarkaal la shaqaynayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la qarxiyay
Muqdisho (Raxanreeb ) Xogheynta Ergeyga arimaha bani’aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaawacmay Qarax gaariga loogu xiray Axmed Garaar Cabdulaahi oo ah Xogheynta xafiiska CCW ayaa la sheegay xiliga uu qaraxa dhacayay in uu ku sugnaa wadada Dabka. Axmed ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac, iyadoo la geeyay mid kamid Isbitaallada magaalada Muqdisho, Xildhibaan Cabdiraxmaan...