Moqokori ( Raxanreeb Online) Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Sanbalooshe, ayaa degmada Moqokori kulan looga hadlayay dardar gelinta howlgalka ka dhan Al-shabaab kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan. Odayaasha dhaqanka ayaa Agaasimaha NISA, uga mahad celiyay doorkiisa ku aadan abaabulka iyo garab istaaga ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda...
Month: May 2025
Trump oo ka hadlay toogashada shaqaalaha ka tirsanaa safaaradda Yahuuda
Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay labada qof ee ka tirsanaa safaaradda Israa’iil, kuwaas oo lagu toogtay meel u dhow madxafka Israa’iil ee magaalada Washington. Trump ayaa cambaareeyay dhacdada, wuxuuna sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”. “Nacaybka iyo xagjirnimada...
Ciidanka Kumaandooska Danab oo hub fara badan gacanta ku dhigay
Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta ee Jubbalad, oo 48 saac ee lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan kawaday deegaano ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, ayaa gacanta ku soo dhigay hub fara badan oo isugu jira Qoryaha noocyadiisa kala duwan. Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Jubbaland, ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid...
Talyaaniga oo wax ka beddelaya xeerarka lagu qaato dhalashada wadankaas
Roma ( Raxanreeb Online) Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas. Sharciganwaxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni bishii Maarso. Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ku koobayaa sharcigan dadka mid kamid ah waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara...
Golaha Shacabka oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka Barakacayaasha
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa 15-aad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka. Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Barkacayaasha, waxaana Xildhibaanadda ay qodobada hindise sharciyeedkan su’aalo ka weydiiyeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha...
Maxey kawada hadleyn wasiirka arrimaha ee XFS iyo safiirka Talyaaniga ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi. Labada mas’uul ayaa kawada hadlay siyaabaha kor loogu qaadi karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa hababka iskaashi ee danta...
Horjooge katirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjogayaal sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa weerarada hoobiyeyaasha ka dhaca Muqdisho tan iyo sannadkii 2023-kii. Ciidanka...
Qarax khasaare sababay oo ka dhacay dalka Pakistan
Pakistan ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay bas arday siday. Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Balochistan, halkaas oo uu baska ku sugnaa. Booliska ayaa sheegay in ilaa afartan arday ay saarnaayeen gaariga markii uu qaraxu dhacay subaxnimadii Arbacada manta...
Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta mashaaricda
Algeria ( Raxanreeb Online) Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dalka Algeria ugu qeyb galay furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria. Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha...
Tiro Madaafiic ah oo ku dhacay degmada Wadajir
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta afar hoobiye oo qaarkood ay ku dhaceen xeyndaabka Xalane, balse aysan ogeyn khasaaraha ay geysteen. Sidoo kale warar kala ayaa sheegaya in...









