Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb geli doono munaasabad lagu soo xirayo tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta uu ku sugan yahay Galmudug, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada maamulka, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.

Leave a Reply