Cape Town (Raxanreeb ) Dhalinyaro Kale Oo Soomaali Ah Oo Caawa Lagu Dilay Dukaan Ku Yaala Degmada Philippi ee Magalada Ee Cape Town.
Yusuf Mohammed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin Dhaakul, ayaa lagu dilay hal goob oo dukaan ganacsi ah oo ay ka wada shaqeeysan jireen oo ku yaala xaafad Hoostagta Phillipi ee magaalada Cape Town kadib markii Burcad hubeysani ay ku weerareen dukaankooda
Xaqiiqdii Soomaalida ka xamaalata tuulooyinka iyo deegaanada isku raranka ah waxay wajahayaan xaalad khatar ah iyo dhibaatooyin kale kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.
Bishan oo kali tirada Soomalida lagu dilay tuulooyinka waxay gaartay 8 dhalinyaro ah iyado 5 kamid ah lagu dilay deegaano Hoostaga magalada Cape town habeeno is xigxigay
Ilaa iyo hada cidna laamaha amniga uma aysan so qaban dilalka xargaha furtay ee lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh koonfur Afrika.
Ma jirto Jaaliyad mideeysan oo bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas degan isku xil qaantay in ay wax u qabato ama u istaagto xaaladahan ka jira dalka ay ku nool yihiin.
Leave a Reply