Madaxda Hiiraan iyo xildhibaano qiimeynaya khasaaraha gaaray buunddada Buula Burde

Baladweyne (Raxanreeb) — Waxa weli go’an buundada magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan oo shaley la qarxiyay.

Tani ayaa muhiim u ah isku socodka gawaarida gobolada koonfurta iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay kuna dhaawacmeen dad fara badan.

Qaraxa kadib, ayaa waxaa goobta gaaray mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiintani, ayaa waxaa kamid ah xildhibaano heer federaal ah, kuwaasoo qiimaynaya khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.