MD Xasan & Ujeedka Safarada uu ku tagayo gobolada dalka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay kordhiso howlgalada ka dhan ah Al Shabaab ee ka socda gobolada Dalka , kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka.

Si taas ay u dhacdo waxaa soo baxay war ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu  safro ku tagi doono Qaar ka mid ah Goballada dalka gaar ahaan goobaha ay ka socdaan howlgalada.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la qorsheenayaa inuu la kulmo Saraakiisha iyo Xildhibaanada Hogaaminaya Dagaalada ka socda Goballada dalka.

Warar RBC uu  helay ayaa sheegaya in Hirshabelle uu noqon doono safarka ugu Horeeya ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas oo ay ka socdaan qaban qaabada iyo howlgalka lagu ciribtirayo Al Shabaab.

Warar kale oo aan ka helayno xafiiska Madaxwaynaha ayaa sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale uu tagi doono gobolka Mudug.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa la xaqiininayaa inuu ka  fakarayo sidii uu ula imaan lahaa qorshe ka duwan kan hadda lagu wajahayo Shabeellaha Dhexe oo la rumaysan yahay inuu u dhaqaaqi la’ yahay dano shaqsiyadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoog ku bixinaysa siduu uu u mira dhali lahaa howlgalada ka bilowday gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan , kaas oo ax ka qayb qaadanayaan kooxaha kacdoonka oo ah dadka deegaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.