Koox dilal & ammaan darro ka gaystay Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya aya howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen xubno ay ku in ay ka tirsan yihiin kooxaha amni darrada ka gaysta caasimadda.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in howlgalkan ay ka fuliyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, inta uu socday howlgalkaas ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in talaabo ay ka qaadi doonaan kooxahan falalka amni darro ka gaysta magaalada  Muqdisho.

Ciidanka  howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu  ka dambeeyay dil ka Dharkenley, kaas loogu geystay marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla degmadaas.

Si – kasta Dowladda Soomaaliya ayaa la hardamaysa wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahan ay ka dhacayaan falal lidi ku ah amaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.