Month: December 2022

Post

Muxuu yahay safarka Aadan Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Post

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jowhar

Faah faahino kasoo baxaya qarax lala eegtay masu'ul katirsan maamulka Hirshabeelle, Laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta ku sugan degaanka.

Post

DOOLOW : Shir looga hadlayay amniga Gobalka Gedo oo ka dhacay Degmada Doolow.

Doolow ( Raxanreeb ) Shirka waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Gedo Sarakiisha ugu sareeyso ciidamada Gobalka jooga iyo Sarakiil kasocotay ATIMS qeybta Ethiopia ee Gobalka Gedo ku sugan, Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein abdi lafeey. Inta uu kulanka socday waxaa looga hadlay amniga & siyaasadda Gobolka Gedo, Dhamaan maamulka iyo Sarakiisha Ciidamada waxaay islaa...

Post

Xiisad ka – taagan isbitaalka Warsheekh oo sababtay in shaqada isbitaalka ay istaagto.

Warsheekh ( Raxanreeb ) Xiisad ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Axad ah ay ka taagan tahay isbitaalka Degmada Warsheekh halkaas oo ay gudaha u galeen ciidamo hubeysan. warqad kasoo baxday maamulka degmada Warsheekh ayaa lagu sheegay in lagu joojiyay howliihii adeega caafimaadka ee isbitaalka uu u hayay bulshada degmada. khilaaf mudo soo taagnaa...

Post

Riyadha ” Dowladda Soomaaliya gacab baa ka siinaynaa la dagaalanka Al- Shabaab”

Riyadh (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed...

Post

Qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle & khasaaraha ka dhashay.

Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka ka imanaaya gobolka shabeellaha dhexe gaar ahaan duleedka magalaada Jowhar ayaa sheegaya in masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolkaas  qarax lagu eegtay Wararka  waxaa ay sheegayaan in uu haleelay gaari uu la socday  maareeye ku-xigeenka Airporka Jowhar iyo taliyaha saldhiga Degmada jowhar. Sida ay ku waramayaan dadka degaanka waxaa jira khasaaro...