Adis Ababa (Raxanreeb ) – Gobolo badan oo Itoobiya ah waxaa ka socda dagaalo xoogaan oo qaarkood loogu soo horjeedo xukuumadda Ra’iisulwasare Abiy Ahmed. War ka soo baxay Jabhada Amxaarada ayaa lagu sheegay in digniin ay u dirayaan shirkadaha diyaaradaha dalkaas kuwaas oo hubka ka daabulaya gobolada qaar kuwaas oo xiriir la leh xukuumadda Abiy...
Month: March 2024
Falcelin ka dhalatay hadal Madaalle uu ku weeraray Gabadhaha Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb )- Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaalle ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in waqti saq dhexe ah ay banaanka joogaan gabadhaha Soomaaliyeed. Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in caasimada ay ku soo badanayaan waxyaabo anshax xuma ah oo laga soo min guuriyay dalalka Yurub sida...
‘’MW Xasan xusuuso xanuunka ay leedahay banaanbaxyaal la rasaaseeyo‘’.
Muqdisho ( Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dhacdooyinka lagu kala eryinayo dadka doonaya in ay cabiraan aragtidooda kuwaas oo isugu soo baxa waddooyinka caasimadda. Dil ka dhashay dibadbax ciidanka ay diidanayeen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo loo gaystay wiil dhallinyara ah oo ku sugnaa isgoyska Siinaay ee magaalada...
HARGAYSA : Hooyo & caruurteeda oo ku geeriyooday dab ka kacay gurigooda.
Hargeisa(Raxanreeb) –Wararka aan ka helayno magaalada Hargaysa ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaas ay ku geeriyoodeen Hooyo iyo laba Caruura ah. Dhimashadan ayaa ka danbeysay ka dib markii dab ka kacay Hoy ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeisa ee Somaliland. Sida wararka ay sheegayaan abaaro 4:00 subaxnimo ayaa...
Xasan Sheekh oo isku diyaarinaya dagaal siyaasadeedkii ugu cuslaa.
Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa ka jira socda shirar siyaasadeed ka dhan ah Dowladda uu hoggaamiyo Madaxwaynaha Dowladda Fedeeraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Shirarkan waa mid looga hadlayo sidii loo heli lahaa isbahayso ka dhan ah Xasan Sheekh oo mudda laba sanno ku dhaw haya xilka hase ahaatee mowjado siyaasadeed ay...
Macallin Mahdi oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay dad dibadbaxayay
Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal shalay Axaddii, suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Israa’iil oo aqbashay heshiis cusub oo xabbad-joojineed iyo Xamaas oo war laga sugayo
Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka ayaa sheegay in Israa'iil ay aqbashay habka loo dhigay heshiis xabbad-joojineed oo ku saabsan dagaalka Qaza, oo ay ku jiraan in la sii daayo maxaabiista laga haysto Israa'iil.
Farmaajo & Shariif oo ka hadlay qorshaha Villa Somalia ee Dastuurka.
Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay kulan ku yeeshay madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynihii Dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda daarnaa xaaladda guud ee dalka si gaar ah qorshaha wax ka bedelka Dastuurka ee ay riixayso Villa Soomaaliya kaas oo ka...
WARCUSUB : kiiska nin ku eedaysan inuu gubay xaaskiis oo la mudeeyay.
Muqdisho (Raxanreeb ) – Markii todobaadkii hore la soo gaba- gabeeyay fadhigii ugu danbeeyay ee dacwad loo haysto Sayid Cali oo ku eedaysan dilka inuu xaaskiisa uu gubay ayaa maanta maxkamadu mudaysay watiga go’ aanka. Warqad ka soo baxday Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay waqtiga lagu dhawaaqayo go’aanka eedeysanaha oo aad loo sugayo. Maxkamadda...
Dastuurka oo cabasho laga qabo oo maanta Barlamaanka uu ka dooday.
Muqdisho (Raxanreeb ) – Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 20aad Kalfadhiga 4aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehelayay ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare. Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka,...









