NISA , Boolis &  milatiri oo lagu daadiyay xaafadaha Muqdisho + Sababta

NISA , Boolis &  milatiri oo lagu daadiyay xaafadaha Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal balaaran ka sameeyay xaafado dhawr ah oo magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in amniga lagu sugayo.

Ciidamada ayaa inta uu socdeen howlagallada guri guri ugu baarayayay xaafadaha qaar ee degmooyinkaaas, si u hubiyaan amniga xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliiska, nabad sugida iyo booliiska sida milatariga u tababaran ayaa laga fuliyay qeybo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in inta uu socday ciidamada ay kusoo qabteen dad badan, isla-markaana la’isugu geeyay hal goob, ayada oo kadib lasii daayay intooda badan.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriyada sida xashiish iyo calaq , waxa ayna ciidamada qabteen shan qof oo la sheegay in waxyaabahaasi maanka-dooriya ay iibinayeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo laga howlgaliyay ciidamo booliis oo sida milatariga u tabaran ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, waxaana yaraaday dilalkii iyo qaraxyadii magaalada ka dhici jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.