Taliyaha Qaybta Booliska Birmadka Gobolka Shabeellaha Hoose, G/le Dhexe Hussein Baargeele Maxamed, iyo saraakiil kale ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Sector One ee AUSSOM, General Jackson Kayanja, iyo mas’uuliyiin ka tirsan AUSSOM. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Gobolka Shabeellaha Hoose, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, dardargelinta howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo kor u...
Day: June 29, 2026
Maxey kawada hadleyn madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ?
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Ahmed. Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u...
Ra’iisul wasaare Xamsa oo xariga ka jaray waddo muhiim u ah shacabka degmada Deyniile
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 Kiiloomitir, taas oo Dowladda Hoose ee Muqdisho ka hirgelisay degmada Dayniile. Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)...
Bannaanbaxyo Waaweyn oo la sheegayo in laga abaabulayo Oobasiibada Tookiyo ee degmada Howlwadaag
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka helayo dadka deggan xaafadda Oobasiibada Tookiyo ee Degmada Howlwadaag, ayaa sheegaya in halkaasi laga wado abaabul bannaanbaxyo waaweyn oo la qorsheynayo in lagu qabto waddooyin muhiim ah oo ka tirsan caasimadda Muqdisho. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, bannaanbaxyadan ayaa salka ku haya cabashooyin la...
Iran oo soo saartay amar ah in la dilay Trump iyo Netanyahu
Tehran ( Raxanreeb Online) Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan. Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald...
Shirka madasha arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo maanta ka furmay Baydhabo
Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada. Madashan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadanimada ee dalka,...





