Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Wefdi sare oo ka kooban wasiiro katirsan Dowladda Jubbaland, xildhibaano heer Federaal ah, iyo masuuliyiin kale oo heer Dowlad Goboleed ah, ayaa maanta gaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Soo dhaweynta Wefdigaan Waxaa hormuud ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland, Mudane Maxamed Axmed Cali, Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maamulka Degmada Baladxaawo, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.
Masuuliyiintaan ayaa ujeedada Booqashadooda waxa ay tahay Dardargelinta howlaha muhiimka ah ee maamulka degmada iyo gobolka, Xoojinta wada shaqeynta iyo midnimada bulshada ku nool gobolka Gedo.
Leave a Reply