MD Xasan Sheekh lacagta uu u doontay  Doha maka soo heli doonaa ?

MD Xasan Sheekh lacagta uu u doontay  Doha maka soo heli doonaa ?

Doha  (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar halkaas oo uu sii joogi doono labada maalin ee soo aadan.

Sida aan ku baahinay xogaheenii hore Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas  sidii uu ugu soo heli lahaa dhaqaale , maadama Dowladda Soomaaliya u baahan tahay daqli ay ku maareyso adeegyadeeda.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dadaal ku – bixinaya , sidii uu xiriir ula samaynsan laha Doha , oo ah dal aad u garab taagnayd Dowladii isaga ka horeysay ee uu hoggaaminayay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Marka uu soo dhammaado kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya & Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-taani ayaa lagu wadaa in labada Madaxtooyo ay war kasoo saaraan natiijada kulankaas kasoo baxda.

Bishii June 2017, xasarad ayaa ka dhex bilaabatay dalalka Carabta, markii Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudiga iyo Baxreyn ay xayiraad cirka, dhulka iyo baddaba ku soo rogeen Qadar.

Xiligaas, Soomaaliya ayaa dhexda u gashay, inkastoo ay dhexdhexaad ka noqotay, haddana dowladdii Farmaajo  ayaa la rumeysan yahay inay la jirsatay Qadar.

Ka dib talaabooyinkaas waxaa aad u xumaaday xiriirka , Imaaraadka carabta iyo Soomaaliya oo waxa ay Dowladda xariga u jartay Imaraadka carabta ,  oo markii dambe Xasan Sheekh markii la doortay dib u soo celiyeen xiriirkii labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.