Muqdisho(Raxanreeb) Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa uu socon doono laba maalin , waxaana loogu doodayaa arrimo dhawr ah oo aad xasaasi ah.
Waxaa ku sugan madashan oo ka qayb galaya inta – badan madaxda maamul- goboleedyada marka laga reebo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la xaqiijinayo in aaladada fogaan araga ah kaga qayb gali doono.
Dhinacyadu waxa ay si weyn u lafa-guri doonaan sidii xal luugu heli lahaa muranka ku aaddan sida Dowladda dhexe ee Maamulladu u qeyb sanayaan lacag $100 Milyan oo doolar ah oo Bankiga Adduunku ugu deeqay Soomaaliya.
Ilo ku dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in miiska ay saaran yihiin qodobo aad u adag ayada oo maamullada qaarna ay saluugsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh muujiyo ayaa inta u u socdo shirkan waxa uu xooga saari doono sidii ay isugu soo dhawaan lahayeen Dowladda Dhexe iyo maamul- goboleedyada.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay , waxaana waddooyinka qaar maanta oo Axad ah la dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply