XOG: Taliye Sulub oo lafilaayo in xilka laga qaado saacadaha soo socdo iyo cida xilka lagu wareejin rabo.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in isbuucan kulanka ay yeelanayaan golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaadayo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyadoo sidoo kale la magacaabayo taliye cusub.

Sidoo kale, xil ka qaadista taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo mar hore la qorsheeyay ayaa waxaa kasoo horjeeday Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo isku beel yihiin taliyaha, waxaana hadda wararka soo baxaya sheegayaan in Xamse aqbalay xil ka qaadista Jeneraal Sulub.

Dhanka kale, wararku waxa ay sheegayaan in taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Janaraal Asad Cismaan Diyaano, ninkan ayaana ah siyaasi iyo sargaal ciidan oo kasoo jeeda Puntland awood badana qoyskiisa ku leeyihiin magaalada Boosaaso.

Kulanka golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya beri oo Khamiis ah yeelanayaan ayaa la filayaa in lagu magacaabo taliyaha cusub ee ciidanka booliiska, waxaana marar badan baaqday magacaabista taliyaha ciidanka booliiska oo khilaaf ka taagnaa in xilka laga qaado taliyaha hadda jooga.

Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana raba in reer Puntland ku qanciyo magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska, waxaana xusid mudan ninka loo wado in loo magacaabo taliyaha booliiska siyaasad ahaan iska soo horjeedaan Madaxweyne Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.