Muxuu kala hadlay guddoomiyaha hay’adda Sodma wakiilo ka socday Qaramada Midoobay ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macalin, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilo ka socdo Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaasha, iyo la-hawlgalayaasha arrimaha bani’aadamnimo.

Kulanka waxaa lagu sharfay geesiyaasha shaqaalaha gargaarka adduunka iyo kuwa ka howlgala Soomaaliya, kuwaasoo u dhabar adeegay sii wadida iyo gaarsiinta adeegyada bani’aadamnimo meel walba oo dalka ka mid ah. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu iftiimiyay xaaladaha bini’aadamnimo ee degdegga ah ee ka taagan Soomaaliya.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Abdulle, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bani’aadamnimo, taasoo ah waajib sharci ah oo hoos yimaada sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimo.

George Conway, Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo dhibaatooyin isbiirsaday, oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, colaadaha, cudurrada, iyo dhaqaale yaraanta soo wajahday hay’adaha caawiya dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.