Maxey kawada hadleyn madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ?

Doxa ( Raxanreeb Online) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socday magaalada Doxa, ayaa kulan la qaatay Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka Bariga Dhexe, iyaga oo sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga qotodadheer ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay, in sare u qaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isla markaana ka taageerto, arrimaha dhaqaalaha, tababarada ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay dowladda Turkiga, garab istaaga Dowladda Soomaaliya, isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay madaxweynaha, in Turkiga uu kaalin weyn ka qaatay tababarada ciidanka Soomaaliyeed.

Sikastab, Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo kala duwan oo isugu jira dhaqaalaha iyo tababarada ciidamada, waxa uuna Turkiga Muqdisho ku lee yahay saldhigga weyn oo uu tababar ku siiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.