Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa maanta ku soo wajahan wufuud hordhac ah u ah madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaasi oo dhowaan soo gaari doono Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka la filayo in 1-da Feberaayo inuu ka furmo caasimada.
Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa Muqdisho u imaanaya ka qeyb galka shirka watashiga ee mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Shirkan watashiga ayaa la filaya in xubnahaan ay diirada ku saraan qodobo kala duwan oo kamid ah doorashayoonka Dastuurka iyo la dagallaanka argagixisada.
Sidoo kale warar madax banaan ayaa tilmaamay in shirka watashiga uu ka dhici doono, hotel ku yaalla xeendaabka Xalane, kaddib markii madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay cabsi ka muujinayaan badqabka amnigooda.
Wixii warkan kusoo kordho halkan kala soco

Leave a Reply