Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhow madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa la filaya inuu bartamaha bisha Feberayo u dhoofo magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Masar.
Safarka madaxweynaha ee Masar, ayaa lagu sheegay inuu xambaarsan yahay qorshooyin kala duwan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar Cabdifatax Al-sisi, ayaa kulankooda la qorsheynaya inay uga wada hadlaan isbadalka xowliga ah ee ka socda gobolka.
Geesta kale socdaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Masar ayaa lagu sheegay inuu uga faai’ideysan doono in Masar ay Sacuudiga ku qanciso in Soomaaliya laga taageero amniga iyo dhaqaalaha.
Sikastaba, tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya, ay burburisay heshiisyadii kala duwnaa ee ay kula jirtay Imaaraatka Carabta, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan u bilaawday sidii ay xiriiro muhiim ah ula yeelan laheyd Qatar iyo Sacuudiga si ay u buuxiyaan booska ay baneesay Abu Dhabi.

Leave a Reply