Ciidamo katirsan militariga Soomaaliya oo xirtay waddo muhiim ah oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamo katirsan militariga Soomaaliya, oo ka gadoodsan mushaar la,aan ayaa maanta xirtay wadada isku xirta hanta-dheer iyo aargada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ku labisan dareeska militariga Soomaaliya, ayaa sheegay in wax mushaar ah aysan helin muddo ku siman 9 bil.

Qaar kamid ah ciidamada, ayaa warbaahinta u sheegay in aysan wadada furi doonin, ilaa iyo meel loogu sheegayo xuquuqdooda.

“Waxaan dhowr mar tagnay  Taliska ciidanka xoogga, iyo wasaaradda Gaashaandhigga, annaga oo ka cabaneynaa in aan wax mushaar ah qaadan muddo fog, waxaan leenahay dowladda xuquuqdeena hana siiso, haddii kale waxaan qaadi doonaan tallaabo aan xaqeena ku raadsaneyno”, ayuu yiri mid kamid askarta oo la hadlay warbaahinta.

Weli ma jirto war kasoo baxay dhinaca Taliska ciidanka xoogga iyo wasaarada Gaashaandhigga oo looga hadlayo gadoodka ciidamadan katirsan militariga Soomaaliya ee xirtay wadadan muhiimka ah ee isku xirta Isgooska Ex.koontarool iyo iyo wadada warshadaha.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.