Maamulka Koonfur Galbeed oo beeniyay in wax dagaal ah uu dhacay magaalada Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa beeniyay in xalay uu dagaal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in xaalada magaalada ay deggan tahay, isla markaana nolol maalmeedka uu si caadi ah u socdo, waxa uu carabka ku dhuftay in uu jiro dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada oo dhex-maray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in kooxo ku sugan magaalada Muqdisho, ay faafiyeen warar been abuur ah “dacaayad iyo barobogaando”, isaga oo tilmaamay in ujeedada ay tahay in la abuuro cabsi iyo jahwareer.

Geesta kale wasiirka warfaafinta , ayaa sheegay in hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu hadda ku sugan yahay magaalada Barakeysan ee Makka, halkaas oo uu ku gudanayo Acmaasha Cumarada.

Waxa uu shaaciyay wasiir Bilaal, in xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed uu yahay mid caadi ah, isaga oo sheegay in wax xiisad ah aysan u dhaxeeynin.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, ayaa ku soo aadaya xili dhowaan dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, gacan ku heynta degmada ay la waregeen ciidamo taabacsan mucaaradka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.