Moqokori ( Raxanreeb Online) Wararka anu ka heleyno gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidanka macawiisleey iyo kooxda Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Ceel-qooxle oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka huwanta ah ay weerar saf ballaaran ah ay ku qadeen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay isku aruusanayay deegaankaasi.
Ciidamada ayaa aroortii hore ee saakay dagaal kula wareegay ciidanka Gumare, waxaana haatan uu dagaalka ka socda deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan.
Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan iyada oo laga maqlayo daryanka madaafiicda deegaanada ka baxsan halka uu dagaalka ka socdo.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xooggan ee ka socda deegaanada hoostaga degmada Moqokori, balse waxaa lasoo warinaya inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee ay dirirtu u dhaxeeyso.
Leave a Reply