Muqdisho (Raxanreeb online) – Qof ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyey maqaayad ay fariistaan Ciidanka iyo saraakiisha Booliiska oo ku taala gudaha xerada Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho.
Dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa jira waxaana gudaha ka socota rasaas, sida ay Shabelle u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Meydka iyo Dhaawaca ayaa la kala guri la’yahay kadib markii uu nin boorso wata uu isku qarxiyay maqaayad ku taalla Iskuul Poliisiyo.
Maqaayadan waxaa ka cunteeya Saraakiisha waxaana jirta waxyeelo tiro aan lagu cayimin.
Balse dadka udhow xeradaas ayaa soo warinaya in xaalad kacsanaan ah ay meesha ka jirto.
Leave a Reply