Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa daah-furay Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka iyo Matalaada Muqdisho iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah.
Sidoo kale, madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Madaxda Maamullada Degmooyinka, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada, Dadka baahiyaha gaarka qaba iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxa ay socon doonntaa mudo labo maalmood, iyadoona looga hadlayo rabitaanka shacabka ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidii loo heli lahaa Maqaamka iyo Matalaada Muqdisho.
Dhanka kale, maamulka Gobolka Banaadir ayaa bulshada usoo jeediyay Bandhigyo ku aadan 3-da doorasho ee xulashada Maqaamka Muqdisho iyo hanaanka hindise sharciyeedka xeerka doorashooyinka dalka ee horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sida ay talooyin ugu biirin karaan shacabka Gobolka Banaadir.
Ugudambeyn, maalinta barito ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo Madashaan isla markaana lasoo bandhigo talooyinka Bulshada Caasimadda ee ku aadan xeerka doorashooyinka iyo hannaanka xulashada Maqaamka Muqdisho.
Leave a Reply