Maxey tahay Ujeedka uu madaxweyne Xasan Sheekh u tagay dalka Yugaandha ?

Kambaala ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kambaala ee caasimada dalka Yugaandha, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caasumaad rasmi ah ka heley dhiggiisa dalka Yugaandha Yoweri Museveni, oo uu la yeelan doono wahadallo gaar ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dalka iyo xaalada guud ee gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Yoweri Musevene weydiisan doono taageero milatari oo ku aadan dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto kooxda Al-shabaab.

Dalka Yuagandha ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka jogaan Soomaaliya, waxa ayna Yuganadha tahay  dalka ugu badan ee cidiamadiisa ay qeyb ka yihiin howlgalka cusub ee AUSSOM ee Soomaaliya sannadkan ka biloowday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.