Sharci yaqaano kasoo jeeda Uk oo ugu baaqay inay joojiso taageerada hubka ee ay Israa’iil siiso

London (Raxanreeb) — In ka badan 250 qareen oo British ah, oo ay ku jiraan madaxda xarumaha caanka ah iyo macalimiin sharciga dhiga, ayaa ugu baaqay dowladda Ingiriisku inay Israa’iil cadaadis ku saarto xabad joojinta Qaza, iyagoo sheegay in sharciga caalamiga ah si weyn loo jebiyay.

Qareenada ayaa warqad u qoray Raiisel wasaare Rishi Sunak, Xoghayaha Arimaha Dibada James Cleverley iyo Xoghayaha Difaaca Grant Shapps, iyagoo qeexaya waxa dhaqangal ah ee la talinta sharciga ee la xiriirta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Qareennadan ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladdu inay joojiso hubka ay ka iibinayso Israa’iil, kaasoo loo adeegsan karo xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Warqadan oo ka kooban 10 bog ayaa si faah faahsan uga hadashay falkii ay dowladda Israa’iil ka geysatay Qaza tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii bishan.

Warqaddu waxay sheegtay in gabood-fallada ay geysteen Xamaas ay ahaayeen kuwo xadgudub weyn ku ah sharciga caalamiga ah, balse waxay intaas ku dartay: “Xadgudubyada ba’an ee sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee hal dhinac sameeyeen marmarsiiyo uma noqon karo xadgudubka koox kale .

Tani waxay ku soo beegantay xilli hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ay wajahayaan dalabaadyo sii kordhaya oo ay ugu baaqayaan xabbad-joojin bini’aadantinimo si loogu oggolaado gargaarka muhiimka ah ee rayidka ah inay galaan marinka Qaza.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ingiriiska Oliver Dowden ayaa sheegay Khamiista in dowladdu ay cadaadis ku saarayso “joojinta ku-meel-gaarka ah” ee duqeynta, laakiin ma aysan taageersanayn “xabad-joojin buuxda.”