Israa’iil ayaa Jimcihii ansixisay suurtagalnimada weerar lagu qaado magaalada Rafah ee Marinka Gaza, xilli rajo laga qabo in xabbad joojin ay dhacdo, iyadoo la qorsheynayo inay wafdi kale u dirto Qatar si ay wadahadallo ugala hadlaan suurtagalnimada in la gaaro heshiis lagu soo deynayo dadka u afduuban Xamaas.
Month: March 2024
Ciidamada Xoogga Dalka iyo Burundi oo howlgallo kawada Balcad
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ayaa maanta ka baxay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha degmada Balcad, oo ku taalla waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar.
Sawirro: Xamsa iyo ku-xigeenkiisa oo booqday dhaawacyadii SYL
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Aabe ceeji loogu dhex dilay suuqa Bakaaraha
Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xannuun badan oo xalay ka dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii si arxan darro loogu dilay Aabbe degaanaa gudaha suuqaasi.
Saraakiil loo xiray weerar AS ay ka fuliyeen meel u dhaw Villa Somalia
Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaalya ayaa qaatay talaabooyin ay ku doonayso inay kaga gungaarto weerar kooxda AS ay ka gaysteen magaalada Muqdisho. Weerarkan waxa uu ka dhacay Hotelka SYL ee Muqdisho , kaas oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumo muhiim ah oo ay ku shaqayso Dowladda Soomaaliya. Sida aan wararka ku...
MUQDISHO : Xamse oo booqday Afhayeenkiisa oo dhawacmay ah.
Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ku qaaday hotel SYL. Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa...
Muxu yahay walaaca Mareykanka uu ka qabo is balaarinta Afrika ee Ruush-ka ?.
Washington (Raxanreeb )- Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa toddobaadkii hore uga digay Congress-ka Maraykanka in Ruushka uu si ba’an u ballaarinayo awoodda uu ku leeyahay gudaha Qaaradda Afrika, xilli Qaaraddu ay noqotay goob ay siweyn ugu loolamahaan awoodaha caalamka ka jira. Taliyaha guud ee ciidanka Africom General Michael E. Langley ayaa u...
PUNTALND ‘’ Dowladda Hindi ayaa weerar ku qaaday koox Burcadbeed ah’’
Garoowe (Raxanreeb ) – Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa meel ka baxsan biyaha Soomaaliya waxay ku haystaan Markab ay soo afduubteen si ay ugu qaataan lacag madax furasha ah. Ciidanka badda dalka Hindiya ayaa weerar culus ku qaaday burcad-badeeda Soomaalida ee afduubka ku heesata markabka MV Ruen, kaa oo laga soo afduubtay meel ka baxsan biyaha...
Digniin amni oo hor leh oo soo baxaysa & baaq loo diray madaxda dalka.
Muqdisho (Raxanreeb )- Kooxda Al- Shabaab ayaa maalin ka hor weerar u muuqday inuu ahaa mid qorshaysan waxay ku qaaden Hotel-ka SYL oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya. Weerarkaas oo la soo afjaray ayaa hadana waxaa soo baxaya digniin kale oo ku aadan dhanka amniga oo ay suurtagal ay tahay in weeraro kale kooxda Al-...
Farmaajo oo ku wajahan Puntland si ay u kulaan Saciid DENI.
Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago deegaanada maamul goboleedka Puntland. Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka ugu wayn ay tahay safarka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan uu la qaato Madaxwaynaha dib loo doortay Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni. Labada dhinac waxyaabaha ugu wayn ee...









