Nairobi ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa aqbalay gogol wada- hadal ah oo Kenya taalo oo uu dalbaday Madaxwaynihii dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Ahmed. Shariif iyo Xasan ayaa ka wada hadlayo dhamaynta khilaafka ka dhasha wax ka bedelka Dastuurka oo afar cutub wax badan lagu soo daray oo uu saxiixay Xasan...
Month: April 2024
Washington ” Soomaaliya waxaa ka jirta khatar aan la dhayilsan karin “.
Nairobi ( Raxanreeb ) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Salaasadi saxiixay Amar Madaxweyne oo tirsigiisu yahay 13536 kaasoo Madaxweynuhu ku iclaamiyay in Somalia ay khatar qeyrul-caadi ah ku tahay Amniga Qaranka & Diblomaasiyada Dibada ee Mareykanka. Amarka Madaxweyne Mareykan (Executive Order) kan oo ah mid dib loo cusbooneeyay waxaa horay 2012-ki dhaqan-geliyay Barack Obama...
XOG : Ruto oo bad u raadinaya Abiy Ahmed & Hassan Sheekh oo lagala hadlay.
Nairobi (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya , shir magaalada Nairobi ee Kenya ay ku yeesheen madaxwaynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Booqashada Madaxwayne Xasan oo ah mid rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Kenya William Ruto ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan khilaafka Soomaaliya...
Wadahadal dhaxmaray MW Xasan Sheekh & Ruto.
Nairobi (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Wiliam Ruto. Labada Madaxwayne ayaa isla eegay sida wararka ay sheegayaan xiriirka labada dal iyo la dagaalanka kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Madaxwaynayaasha labada dal...
MW Xasan Sheekh & Shariif Sheekh oo ku kulmay Nairobi ‘’UJEEDKA ‘’.
Nairobi (Raxanreeb) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulmaya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynihii hore dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed. Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif ayaa ka wada- hadlaya sida wararka ay sheegayaan ka wada – hadlayaan arrimo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka....
WARCUSUB : Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo.
Kismaayo (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa soo – baxaya dagaal ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa Al- Shabaab ku dhaxmaray deegaanka Baarsanguuni ee duleedka Kismaayo. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kisnaayo ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid saacad ka badan halkaas ka soconayay isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Inta uu socday dagaalkan...
7 ka mid ah qoyska hoggaamiyaha Xamas oo lagu dilay Gaza
Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex caruura oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Gaza.
Maxay uga duwan yihiin ciidamada Soomaaliya ay dalbatay iyo kuwa ATMS
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi dhowaan ay gudbisatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah, oo beddela kuwa howlgalka ATMIS Ex Amisom.
Wiilal uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas oo lagu dilay Gaza.
GAZA (Raxanreeb) –Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar caruur uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka geysatay Gaza. Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha...
Maxay tahay diyaarada DFS ay sheegtay inay soo riday ?.
Muqdisho (Raxanreeb) –Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ayaa xalay sheegay iney soo rideen dayuurad Drone ah oo ay aaminsan yihiin iney adeegsanayeen Al Shabaab. Dayuuradan oo ah mid aad u yar oo la moodo qalabka ay ku ciyaarto caruurto ayay ciidanku rasaas ku fureen xili dul mareysay xero milateri oo...









