Arif Alvi MD Pakistaan oo saxiixiisay la abeen abuurtay

Arif Alvi MD Pakistaan oo saxiixiisay la abeen abuurtay

Islamabad (Raxanreeb )  Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa sheegay inuu diiday inuu saxiixo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas.

Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi.

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey.

Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan.

Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.