Istanbul (Raxanreeb )- Dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madax la sii galaysa sanadkii seddaxaad , waxaana jira culays siyaasadeed oo uu la kulmayo.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa culayada ugu badan waxa uu kala kulmayaa , madaxdii hore ee dalka kuwaas oo aad u diidan hanaanka uu hadda wax u wado Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhaliisha ugu badan ee uu la kulmayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah , wax ka bedelka uu ku sameeyay cutubyo ka mid ah Dastuurka taas oo keentay tuhun badan oo dhanka awooda ah.
Hadda waxaa socda qaban qaabada shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Istabul ee dalka Turkey kaas oo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan wajigiisa kowaad waxa wada yeelan doona sida wararka ay sheegayaan Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxwaynihii dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed.
Sida xogaha ay sheegayaan waxa ku biiri doona madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana halkaas ka bilaaban doona madal siyaasadeed.
Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ayaa gaaray magaalada istanbul ee dalka Turkey, halkaas oo la filayo sidoo kale inay gaaraan madax kale oo aad u diidan madaxwaynaha hadda jooga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhex dabaalanayo sanadkiisa 3-aad wuxuuna culeyska uga weyn kala kulmayaa Madaxweynayaashi hore ee dalka soo maray Sheekh Shariif iyo Farmaajo kuwaas oo si cad u diiday hanaanka wax ay u socdaan.
Leave a Reply