Duqeymo ka dhacay G/Mudug oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab

Duqeymo ka dhacay G/Mudug oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya duqeymo xalay ka dhacay koonfurta gobolka mudug deegaano hoostaga degmada Xarardheere, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa ka kala dhacay mida hore deegaan lagu magacaabo Baraag Cali Gaduud, taas oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Tan kale ayaa ka dhacday goob kale oo ah, isla gobolka Mudug, meelo ay isku uruursanayeen kooxda taas oo ayadana lala beegsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Millatariga Soomaaliya, oo ka hadlay arrintaan ayaa dheegay in la burburiyay gaari ay la socdeen xubnaha Al-Shabaab, isla markaana la gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiishan millatariga, ayaa sheegay in iyaga iyo kuwa macawiisleyda ay ka baxeen deegaanka Xarardheere, islamarkaana ay kusii socdan deegaannada ay xalay duqeeynta ka dhacday.

Dhanka kale ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay Al-Shabaab, taas oo ku saabsan duqeeynta lala beegsaday ee labada deegaan ee gobolka Mudug ka dhacday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli ay jirto xaalad kacsanaan iyadoo deegaannadaasi, weli ay ku suganyihiin kooxda Al-Shabaab.

Gobollada Shabeellaha Dhexe, Gobolka Mudug Hiiraan Galgaduud, ayaa inta badan weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, oo weli ku harsan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Sidoo kale Gobollada Jubbada Dhexe, ayay ka socdaan howlgallada dhanka cirka ah, duqeymaha kuwaas oo dhowaan Al-Shabaab degmada Jilib iyo Saakoow Bu’aale lagu duqeeyay iyadoona aysan jirin warar sax oo kasoo baxo, waloow halkaasi ay Al-Shabaab, ku xoogganyihiin.