Washington (Raxanreeb Online) Sida uu sheegay Wargeyska The Guardian, madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu heshiis la galay masuuliyiinta xilka sida ku meel gaarka ah u joogta ee waddanka Venezuela kuwaas oo u ogolaaday in uu Maraykanku qaato kaydka shidaal ee dalka Venezuela.
Waddankan oo haysta kaydka shidaalka ee ugu badan Caalamka ayaa hadda Maraykanka u saxeexay in uu la soo bixi karo 65 Bilyan oo Foosto oo dalkaas ku jirta.
Heshiiska oo aan weli macluumaad dheeraad laga bixin ayaa ah mid Maraykanka u suurta gelinaya in uu heli karo Saliid kayd ah oo noqon doonta mid uu u adeegsado danihiisa gaarka ah.
Waxa xusid mudan in Maraykanku uu sannadkan horraantiisi xoog ku soo qaatay madaxweynihii dalkaas ka talin jirey ee Nicolas Maduro kaas oo hadda ku xiran xabsiyada waddanka Maraykanka.

Leave a Reply