Socdaalka RW Xamsa ku tagay BeledwayneMuxuu ku soo – kordhin karaa howlgalka Hiiraan ?

Socdaalka RW Xamsa ku tagay BeledwayneMuxuu ku soo – kordhin karaa howlgalka Hiiraan ?

Beledwayne (Raxanreeb ) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Khamiis ah gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labadii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa deegaanka Soomaalida isagoo madaxda maamulka kala hadlayay sidii sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ujeedka socdaalka Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ah xoojinta dagaalka Dowladda ay kula jirto kooxda Al Shabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku tago magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.