Jowhar (Raxanreeb online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo daga halkaasi.
Sidoo kale, dagaalkan oo qaatay saacado soona gaaray gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka kala qaybiya labada gobol ee HirShabelle.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen in ka badan ill 10 qof oo isugu jiray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.
Dhanka kale, xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid aad ukacsan waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beelood oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo kawada halkaasi.
Labadan maleeshiyo ayaa wali kujira isku hub aruursi, waxayna helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee dagaalka, sida ay kusoo waramayan qaar kamid ah dadka deegaanka ah.
Sidoo kale, cabsi xooggan ayaa wali laga qabaa in labadan maleeshiyo uu markale maanta dagaal halkaasi kudhaxmaro, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo xadka labada gobol.
Baaqyo nabadeed oola doonayey in lagu qaboojiyo xiisadan colaadeed ayaa lagu guul darreystay, waxaana dib u qarxay dagaalkan oo salka ku haya muranka dhul ku yaalla halkaasi.
Sikastaba, Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo jeeda HirShabelle ayaa si kulul uga hadlay colaaddan, waxayna baaq nabadeed u direen labada beelood, balse lama qaadan talooyinkooda iyo baaqa ay jeediyeen, waxaana weli sii daadana dhiigga xadka goboladaas.
Ugudambeyn, deegaannada maamulka goboleedka HirShabelle waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada oo saameyn xooggan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Leave a Reply