Hir-shabelle (Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer ku tegay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay si adag ugu baacsanayaan kooxda Al-shabaab.
Kormeerkan ayaa yimid iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga Dalka ay guulo ka gaareen dagaallo culus oo ay kula jireen Al-shabaab, kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, lagana xoreeyay deegaanno dhowr ah.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiidda hore ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay siiwadaan garab istaaga ciidamadda xoogga ee u taagan difaaca dalka iyo dadka.
Leave a Reply