Kismaayo (Raxanreeb ) Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in hoggaamiye ka tirsan kooxda Al- Shabaab ay ku dileen howlgal gaar ah . Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa sheegay in 13 ka mid ah Al-shabaab la diley. Ciidanka DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidanka...
Month: March 2023
Ciidamo hor leh oo – gaaray Laascanood & sida wax uga socdaan
Laascanood (Raxanreeb ) Maamulka magaalada Laascanood ee – gobolka Sool ayaa ku eedeeyay ciidanka Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka socda. Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa shaaciyay in Somaliland xasuuq ay ka wado Laascaanood, isagoo cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iney garab istaag u muujiyaan dadka...
Todobaadkii 2aad oo si sharci-darra ah u xiran yahay Abdalle Muumin
Muqdisho (Raxanreeb ) Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa todobaadkii labaad waxa uu si sharci darra ah ugu xiran yahay magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah aysan ka bixin xariga sharci darrada ah ee Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin. Xarigga Cabdalla Muumin oo ah mid siyaasadeedaysan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu aamusiyo warbaahinta...
Golaha shacabka & dood ku saabsan sharciyo muhiim ah
Muqdsho (Raxanreeb ) Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay kulan ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Maalihii la soo dhaafay ansixiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo kasoo gudbay Golaha Shacabka Mudanayaasha Barlamaanka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro fadhiga Golaha shacabka , isla markaana xildhibaanada ka...
MD Xasan Sheekh : U xod- xodasho muddo kororsi & falcelin ka dhalatay
Muqdisho ( Raxabreeb ) Dowladda Federaalka Somaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa waxa soo bixisa in ay raadinayso muddo kororsi. Guddi gaarka ah oo ka kooban Labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad ee loo xilsaaray meelmarinta mudo kororsiga baarlamaanka 11-aad iyo Madaxweynaha DFS ayaa kuwaas oo isku raaceen. 1- In baarlamaanka 7 maalin...
Somaliland “Waxaan haynaa xog ah in Ciidanka Puntland weerar nagu soo yihiin”
Hargaysa ( Raxanreeb ) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay heshay xog sheegaysa in ciidamada Puntland weerar ku soo qaadi doonaan maalmaha soo socda deegaanada Somaliland. War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidanka weerarka soo qaadi doona ay yihiin PSF iyo PMPF , sida lagu yiri qoraalka. Waxa sidoo kale warka soo...
XOG : Axmed Madoobe oo ka diiday Villa Somalia qorshe ciidan lagu gaynayo Jubbooyinka
Kismaayo ( Raxanreeb ) Warar lagu kalsoon – yahay oo RBC uu ka helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shir gaar ah oo ay yeesheen Madaxwayne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe is- waa uu ku dhamaaday. Shirkan gaarka ah ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab in laga...
Laascanood : 210 -qof ayaa ku geeriyootay dagaalka galay 24- ka maalmood.
Laascanood ( Raxanreeb ) Waxaa sii kordhaya tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka sii socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool. Dagaalka oo sii socda ayaa keenaya in khasaaraha jira markasta uu kordho isla markaana la soo wariyo tiro badan oo dhimasho ah. Wararka horudhaca ah ee laga helayo magaalada Laascanood ayaa sheegay...
Maxaa hakiyay howlagalada ka dhanka Al- Shabaab ee ka socday dalka ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Waxaa muuqanaysa in hakad uu ku yimid dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socday – gobolada qaar ee dalka. Dagaalkan oo bilowday bartamihii sanadkii hore ayaa hadda u muuqda mid gabaabsi ah oo dowladdu ay ka hakisay howlgaladada dardarka ku socday ee ka dhanka ah kooxda. Dowladda Federaalka...
Hoobiyaal lagu “garacay” degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda lagu garaacaya hoobiyayaal . illa & lix hobiye ayaa soo dhacay degmada Boondheere . Lama sheegin halka laga soo tuuray Hoobiyaashan oo laga maqlay meelo badan oo magaalada Muqdisho. Dadka shacabka ah ee ku nool degmada Boondheere ayaa bilaabay in ay u cararaan guryaha shubka ah...