Month: March 2024

Maxkamada gobolka Banadir oo go’aan gaaraysa kiiskii ugu adkaa.
Post

Maxkamada gobolka Banadir oo go’aan gaaraysa kiiskii ugu adkaa.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maalinta beri oo  Arbaca ah waxaa lagu wadaa in Maxkamada gobolka Banaadir ay u fariisato kiiska nin lagu eedayay inuu gubay xaaskiisa. Kiiskan oo ah mid aad loo sugayo go’aanka ka soo bixi doona ayaa lagu wadaa in Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir  uu ku dhaawaqo go’aanka lamase oga nooca uu noqon doono....

SHAKI ku gadaaman xil  ka tagistii Zubeyr & magaacabista Guutaale.
Post

SHAKI ku gadaaman xil  ka tagistii Zubeyr & magaacabista Guutaale.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Laba maalin ka hor xoghayihii joogtada ah ee xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inuu isaga tagay shaqadii uu ka hayay xafiiska mudadii uu xilka hayay Xamse Cabdi Bare. Warka ku saabsan inuu xilka uu baneeyay Maxamed Zubeyr waxay durbadiiba keentay shaki badan oo ku saabsan waxa  keenay in waqtigan xasaasiga uu xilka baneeyo....

Khilaafka Soomaaliya & Itoobiya oo laba bil jirsaday – Maxa socda ?.
Post

Khilaafka Soomaaliya & Itoobiya oo laba bil jirsaday – Maxa socda ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa jirsaday laba bil iyadoo aan jirin wax natiija ah oo laga gaaray  is jiid jiidka siyaasadeed ee labada dhinac. Dhanka Dowladda Soomaaliya wali ma aysan dalka ka saarin safiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo xitaa ciidanka Itoobiya ee howgalka ATMIS , waxayna dowladdu ay sheegtay...

MURANKA DASTUURKA : Madaalle miyuu fara galin  Dastuurka ?
Post

MURANKA DASTUURKA : Madaalle miyuu fara galin  Dastuurka ?

Muqdisho (Raxanreeb) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna  duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Talaada ah magaalada Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay wax ka bedelka Dastuurka. Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa shir ku yeeshay guddi uu dhawaan Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale kuwaas oo u xil saran ka doodista Dastuurka. Sidoo kale,...

Wasiiro  laga eryay  Hirshabeelle & kuwo  cusub oo la magacaabay.
Post

Wasiiro  laga eryay  Hirshabeelle & kuwo  cusub oo la magacaabay.

Jowhar (Raxanreeb ) – Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa isku shaandhayn ku sameeyay xubnaha golaha wasiirada maamulkaas ka dib wareegto ka soo baxday Madaxwayne Cali Guudlaawe. Waxaa laga diray shaqada xubno ka mid ahaa Golaha wasiirada halka kuwo kale la magaacabay sida lagu xusay wareegtada ka soo baxday madaxwayne Cali Guudlaawe. Magacaabista iyo isku shaandheynta qaar...

PUNTLAND : Nin dil ka gaystay gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay.
Post

PUNTLAND : Nin dil ka gaystay gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay.

Gaalkacyo (Raxanreeb ) –Saraakiisha amniga maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku dhigeen shaqsi ay ku eedeyeen inuu dil ka gaystay deegaano ka mid ah gobolka Mudug. Howlgal ciidanka ay fuliyeen ay ku guulaysteen in gacanta lagu dhigo ninkan dilka ka gaystay gobolka Mudug. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh...

Sarkaal muhiim ahaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Post

Sarkaal muhiim ahaa oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Koox  hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku – toogtay sarkaal  ka tirsanaa ciidanka Dowladda Soomaaliya. Sarkaalkan  oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdullaahi Cali Calasow (Madaxey) ayaa la rumaysan yahay in dilkaas ay ka danbeyaan kooxda Al- Shabaab. Waxa uu ka dhacay dilka sarkaalkan degmada Karaan ee magaalada Muqdisho halkaas oo  uu deganaa...

MUQDISHO : Ciidanka Dowladda oo lagu beegsaday Degmada Huriwaa.
Post

MUQDISHO : Ciidanka Dowladda oo lagu beegsaday Degmada Huriwaa.

Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Askartan oo ku sugnaa bar kantarool ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka lala eegtay qarax miino oo goobta la dhigay  sida ay sheegeen dadka deegaanka. Afar qof ayaa ku dhaawacmay oo mid ka mid...