Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey kulanka golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed. Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasiirka Amniga, kaasi oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda...
Day: July 30, 2026
RW ku-xigeenka oo kormeeray goobaha Codbixinta ee magaalada Gaalkacyo
Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmada Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey sida nabdoon ee ay u socoto codbixintu, isaga oo sheegay in shacabka Gaalkacyo ay maanta muujiyeen sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka...
Muxuu kala hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya...
Doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka oo maanta ka bilaabtay Galmudug
Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo isku sidkan, taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulkaas. Doorashadan ayaa looga dareeray 11 degmo oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo koonfurta Mudug, kuwaas oo kala ah Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel, Caabudwaaq, Balanbale, Hobyo,...



