Roobow miyuu dhacay lacagta Xajka ee sanadkan ?

Roobow miyuu dhacay lacagta Xajka ee sanadkan ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la qaatay madaxda u adeegayso xujayda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku ammaanay madaxda shirkadaha xambaara xujayda iyo Guddiga madaxda ka ah u adeegida xujayda Soomaaliyeed,Muddad labada sannada ah oo sanad hadda lagu jiro shaqadiisa.

“Ilaahay subxaana watacaalaa ayaan ugu mahad celinayaa shaqadaan nagu imtaxaanay naguna asturay, intii aan joogay labadii sano lacagta Xajka inaan wax ka dhinno maahee waxba laguma darin taasna Allaah ayaa ku mahadsan”.

Xujeyda Soomaaliyeed ayaa mahdiyay sida ay u maamulayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta arrimaha Xajka, ayaga oo sheegay in loo qabtay adeegyadii ay u baahnaayeen hadda.

“Maalin dhaweyd nin ayaan mar wada-hadleynay wuxuu igu yiri waxaan hubaa dhowr 10 milyan inaad Xajka ka dhacday, war saas ma jirto ayaan ku iri markaas ayuu igu yiri haddii kalena gacantaada wax lagu cunay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuuu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay arrimaha Xajka, isla markaana ay shaqo wanaagsan ka qabatay, si loola dagaalamo musuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.