Dowladda Iran oo shaacisay tirada rasmiga ah khasaaraha duqeymaha Isra’iil ka geysatay Lubnaan.

Dowladda Iran oo shaacisay tirada rasmiga ah khasaaraha duqeymaha Isra’iil ka geysatay Lubnaan.

Tehran (Raxanreeb online) – Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weerar culus shalay subax ku qaaday bartilmaameedyo kuyaalla dalka Iran, waxa ayna si gaar ah u beegsadeen xarumo milatari oo muhiim u ahaa dowladad Iran oo ay ku jiraan halka ay yaalaan qalabka difaaca.

Sidoo kale, Iran ayaa sheegtay in laga hortagay inta badan gantaalihii ciidamada Israa’iil u adeegsadeen duqeymaha dhinaca cirka ahaa, waxa ayna sheegeen in ay jiraan khasaarooyin ka dhashay duqeymaha qaar oo ku dhacay xarumo milatari.

Dhanka kale, war kasoo baxay dowladda Iran ayaa lagu shaaciyay in duqeymaha Israa’iil dalkeeda ka geesteen sababeen geerida afar askari oo ciidankooda katirsanaa iyo dhaawaca tiro kale, waxa ay sidoo kale duqeymaha sababeen bur bur soo gaaray gobaha qaar ay gantaalada ku dhaceen.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay goobo milatari oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka, waxaana in ta badan la qariyay in muuqaallo iyo sawirro laga soo qaado goobaha ay sida gaarka ah u duqeeyeen diyaaradaha Israa’iil.

Weerarka Israa’iil ku qaaday Iran ayaa ahaa weerar aargosi ah oo Israa’iil uga jawaabeysay weerar hore oo Iran ku qaaday goobo katitrsan Israa’iil, waxaana hadda isha lagu hayaa nuuca jawaab oo Iran ka bixin doonto weerarkii uga yimid Israa’iil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.