DFS oo diiday inay wadahadal ka gasho badda, oo Itoobiya damacsantahay

DFS oo diiday inay wadahadal ka gasho badda, oo Itoobiya damacsantahay

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa toddobaadkii tegay ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo inaan dagaalanno.”

Waxa uu soo jeediyay in dawladdiisu ay saami ka bixin biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah.

Eritrea ayaa ku tilmaantay hadalka ra’iisul wasaaraha mid “xad dhaaf ah” waxayna tiri “arrintu waxay wareerisay dhammaan kormeerayaasha ay khusayso.”

Alexis Mohamed, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in mowqifka Abiy uu ahaa mid soo jireen ah, inkastoo hadda loo soo gudbiyey si muuqata..

“Jabuuti waxay sugi doontaa in Itoobiya ay soo jeediso hab nabadeed oo ay marin ugu hesho Badda Cas, iyadoo la aqoonsanayo in Jabuuti ay mar walba u furan tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyo gaar ahaan Itoobiya,” ayuu ku yiri khadka taleefanka.

Waxa uu xusay in Jabuuti ay mar hore fursad u siisay ciidamada badda ee Itoobiya inay helaan bad.