DOORASHADA : Somaliland oo cagta saaraysa waddadii doorashada.

DOORASHADA : Somaliland oo cagta saaraysa waddadii doorashada.

Hargaysa (Raxanreeb ) – Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabti ah soo saaray  xeerar ku quseeya sharciga doorashooyinka oo  in mudda ah uu ka taagnaa muran xoogan.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa in mudda ahba lagu dhaliilayay inuu ka gaabinayo in deegaanada maamulkaas ay ka dhacaan doorashooyinka isla markaana u kursiga isku dhejinayo.

WAREEGTO :

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinaayo laba xeer oo kala ah:- Dhaqan-gelka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2023. Iyo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaa Madaxweynuhu Sidan:-

1. Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023; (Go’aan Lr. GW/KF- 7/01/2024);

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay Faqradaha 5aad iyo 6aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024 ee ay Maxkamaddu ku laashay ereyga “Boqollay” ee ku jira Faqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr: 91/2023;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lr. 91/2023 iyo lifaaqyada kala ah:

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024, iyo

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024.

2. Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo Gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023, (Go’aan Lr. GW/KF- 7/02/2024);

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.